DHAGEYSO:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo wasiiro magacaabay kuwo kalena Xilka ka qaaday.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilalkii ka qaadey qaar kamid ah golihiisa Wasiirada,wuxuuna Magacaabay kuwa Cusub Magacaabey.
Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa xilkii looga qaadey Wasiirkii Waxbarashada C/raxmaan Cusmaan Malaaq,Wasiirkii Shaqada & Shaqaaaha Feysal Cabdullaahi Cali iyo wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Jabriil Maxamuud Aadan.
Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Wasiirka Waxbarashada u Magacaabey Maxamed Yuusuf Xasan, Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Cabduqaadir Cumar C/llaahi halka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashadana loo Magacaabey Cabdi fitaax Isaaq Maxamed.
Sababaha xilka looga qaadey Saddexdaas Xubnood ee kamid ah Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto baahi loo qabo dardar gelinta howlaha Maamulka iyo Shaqooyinka horyaalla Sida uu warbaahinta u aqriyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed Maxamed Cali Ibrahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here