DHAGEYSO:Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo isku shaandhayn ku sameeyay Wasiiradiisa

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle Maxame Cabdi Waare ayaa waxaa uu xilalkii ka qaadey Shan kamid ah Golihiisa wasiirada,isagoo Magacaabey Xubno Wasiiro Cusub ah oo uu ku soo biiriyay golihiisa.
Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa xilalka looga qaadey,Wasiirada kala ah Qorsheynta,Waxbarashada,Biyaha & Tamarta, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda dastuurka.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale Magacaabey wasiiro Cusub oo bedelaya kuwa xilalka laga qaadey, inkastoo aan la shaacin sababta rasmiga ah ee xilligana kusoo beegtay xilka qaadista xubnaha wasiirada ah,hadana waxaa xusid mudan in dhamaan Wasiirada Cusub ee la maagcaabay ay ka tirsan yihiin Baarlamaanka maamulka Hir-Shabelele.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here