Dhageyso:Madaxweynaha Maamulka Puntland oo booqday Xarunta aqalka Sare

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xarunta Aqalka Sare wuxuu kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu Xarunta Aqalka Sare u tegay la kulanka Guddiyada Joogtada si uu ugala hadlo arimaha doorashooyinka ,marxalada kala guurka ah iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan wax yaabihii golaha u qabsoomay mudadii ay xilka haayeen.
Deni iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Arrimo la xiriira dhinaca doorashooyinka oo weli khilaaf uu ka taagan yahay.
Gudoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya oo kulanka ka hadlaya ayaa sheegay in dowlada dhexe iyo kuwa goboladuba aysan doorkiisa siin aqalka sare.

Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa warku sheegayeen in muddooyinkii u dambeeyay khilaaf kala dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Madaxtooyada, taasoo keentay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu dhowr jeer eedeyn u jeediyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa tan iyo markii uu yimid Magaalada Muqdisho waxaa uu waday kulamo kala duwan, isagoo shalay la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihi hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur iyo Xubno kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here