DHAGEYSO:Madaxweynaha maamulka Puntland oo eedaymo u jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta furay kal-fadhiga 46aad ee Golaha Wakiilada Maamulkaas ayaa ka hadlay, Arrimaha kala duwan oo ay ka mid yihiin Cudurka COVID-19, Amniga, doorashooyinka, shir siyaasiinta deegaanada Puntland yeesheen ka hore,Shirka ka socda Jabuuti iyo Guud ahaan Arrimaha dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee ay ansixiyeen Baarlamaanka labadiisa Aqal Madaxweyne Farmaajana uu saxiixay in Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland looga baahan yahay inay gebi ahaan laalaan,isagoo ku micneeyay in Madaxda Dowladda ay dano Siyaasadeed ka leeyihiin Sharciga Doorashooyinka oo uu sheegay inaan lagala tashan Puntland.
Khubadda Madaxweynaha Maamulka Puntland oo aad u dheereyd ayaa waxaa uu ugu baaqay Saamileeyda Siyaasadda ee dalka Soomaaliya inay isugu’ yimaadaan kulan looga tashanayo hannaanka loo wajahayo Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya wuxuuna eedaymo badan u jeediyay madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa uu soo hadal qaaday wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka & Soomaaliland uga socdo dalka Jabuuti,waxaana uu sheegay in shirkaasi Puntland aysan qeyb ka aheyn,isla markaana aysan aqbaleyn natiijada kasoo baxda.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Puntland waxaa uu sheegay in Puntland ay horay u iclaamisay Gogol lagu xalin lahaa khilaafka Dowladda dhexe & Maamul Goboleedyada,hayeeshee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diideen sida uu hadalkiisa u dhigay wada xaajood la galo xalna laga gaaro khilaafka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here