DHAGEYSO:Madaxweynaha Maamulka Puntland oo eedeyn u jeediyay dowladda dhexe

Madaxweynaha Maamulka Puntland wuxuu dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay inay xayirtay lacagihii Caalamku ugu talagalay maamul goboleedyada Soomaaliya.
Deni wuxuu sheegay inay arrintaas Caqabad ku noqon karto dadaalkii dayn cafiska Soomaaliya ay mudada soo socday.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni wuxuu ugu dambayntii faahfaahin ka bixiyay Garsooreyaal dhawaan Xilka laga qaaday lagu xiray deegaanada Maamulkaas kuwaasoo uu Xusay inay baaritaano ku socdaan oo cadaaladda la horkeenayo hadii ay ku cadaadaan danbiyada ay ku eedaysan yihiin.

Dhanka kale Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Maamulka Puntland C/xakiin Dhoobo ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu ku shaqeeyo arrimo ama fikradaha dalka Imaaraadka Carabta.
Guddoomiye Dhoobo Wuxuu tilmaamay inay Puntland iibsan tahay sida uu hadalkiisa u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here