DHAGEYSO:Madaxweynaha Maamulka Puntland oo faahfaahiyay shir uu ku baaqay

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu faah faahin Guud ka bixiyey Shirka wadatashiga siyaasiinta deegaanada Maaamulka Puntland,oo uu horey u iclaamiyey,isla markaana la filayo in 15 Bisha Maarso ee nagu soo aadan uu qabsoomo.
Shirkaas oo lagu qabanayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa qorsuhu yahay inay ka qeyb galaan saamileyda Siyaasada Puntland,waxaana uu sheegay in looga hadli doono Arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya guud ahaan iyo tan deegaanada maamulka Puntland.
Madaxweyne Deni oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in Shirkaas looga hadli doono mustaqbalka iyo Masiirka Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya oo dhan.
Wuxuu sheegay in muhiimada ugu weyn ee kulankaasi uu yahay sidii ay si mideysan ugu wada Shaqeyn lahaayeen una adkeyn lahaayeen wadajirka dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka Puntland waxaa uu hadalkiisa kusoo geba-gabeeyay in shirkaasi loo qabanayo dhamaan dadka Reer Puntland,isla markaana uu rajeynayo in wax muhiim ah ay kasoo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here