DHAGEYSO:Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ka hadlay qodobo ay ku diidan yihiin sharciga doorashada

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ay uga soo horjeesteen in waqtigaan dalka Soomaaliya ka dhici karin doorasho qof iyo Cod ah, xilli Villa Soomalaiya ay sheegtay in dalka ay ka qabaneyso.
Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in Puntland aysan diidaneyn doorasho qof iyo Cod ah in la qabto oo laga gudbo nidaamka qabaa’ilka,hayeeshee ay diidan yihiin in la isku dhex qaldo qoorasho qof iy Cod ah iyo nidaamka u baahan in laga gudbo ee 4.5.
Waxaa uu sheegay in duruufaha ka jira dalka aawgeed aysan waqtigaan Soomaaliya ay ka dhacdo hirgelinta doorasho qof iyo Cod ah oo Shacabka Soomaaliyeed ay doortaan qofkii ay doonaan.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu ka sheegay munaasabad uu Magaalada Garoowe ku qabsaday Xisbi uu hoggaamiye ka yahay, iyada oo Puntland qorsheyneyso in nidaam xisbiyo ah wax lagu doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here