DHAGEYSO:Madaxweynaha maamulka Puntland oo kulan soo dhaweyn ah Muqdisho loogu Sameeyay

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlaamka Federaalka Soomaaliya,wasiiro ka tirsan Xukuumadda dowladda Soomaaliya, Xildhibano iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntuland Sacid C/laahi Deni oo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Siyaasiintii ka qaybgashay waxayna isla Qireen muhiimada uu leeyahay Heshiiskii doorashada Soomaaliya laga gaaray ee dhawaan Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in heshiiskii maamulada iyo Madaxtooyada Soomaaliya uusan aheyn mid u gaar ah iyaga oo sidoo kale ay ka qeyb ka yihiin xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waxaa uu sheegay in heshiiska doorashada xildhibaanada laga doonaayo inay meelmariyaan oo ay ku qancaan sidii loo hirgalin lahaa, xilli inta badan xildhibaanadii goobta khudbada ka jeediyay ay cabasho ka muujiyeen.
Waxaa uu ugu baaqay in la iscafiyo oo si guud looga wada shaqeeyo in doorashada guud ah ay dalka ka dhacdo.
Waxaa uu sheegay in la doonaayo in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee afartii sano ee lasoo dhaafay kasoo horjeeday asaga uusan ku colaadin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here