DHAGEYSO:Madaxweynaha maamulka Puntland oo sheegay inaysan dowlada dhexe dhab ka ahayn doorashada cod iyo qofka ah

Madaxeynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa dowlada dhexe ee Soomaaliya ku dhaliilay inaysan daacad ka ahayn arinta La xiriirta inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho hal qof iyo codkiisa ah dhamaadka Sanadkaan 2020-ka ilaa bilowga sanadka soo socda ee 2021-ka.
Sharciga doorshhooyinka Soomaaliya oo horay ay u meelmariyeen Xildhibaanda labada gole sidoo kalena uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya ayuu Deni sheegay in dowlada looga Baahnaa inay dhaqan galiso sanadkii ugu horeeyay ee mudo Xileedkeeda isagoo xusay in hada waxa u harsanba yihiin Bilo kooban oo shacabka lagu qancinayo sharciyadaan sida uu hadalkiisa u dhigay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here