DHAGEYSO:Madaxweynaha oo amar ka soo saaray ku biiridda dugsiyada sare

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa saraakiisha dowladda u qabtay ilaa dhammaadka bisha labaad ee sannadkan si ay u xaqiijiyaan in dhammaan ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe inay ku biireen dugsiyada sare ee wadanka.
Qorshaha maamulka talada haya ee Jubilee ayaa ah in boqolkiiba boqol ardayda sameeyay imtixaanaadka qaran ee fasalka sideedaad ee KCPE-da sannadkii tagay inay u gudbaan marxaladda labaad ee tacliinta.
Mr. Kenyatta ayaa wacad ku maray in tallaabo uunan shaacin laga qaadi doono saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha ee deegaanada ay maamulaan ardayda ku sugan aynan ugu dambeyn dhamaadka bisha labaad dugsiyada sare iska xaadirin.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo wasaaradda waxbarashada ee dalka oo kaashanaysa midda arrimaha gudaha ay waddo dadaalo lagu raadinaya ardayda si dugsiyada loo geeyo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay inuu xoogga saari doono sidii loogu guulaysan lahaa ballanqaad ay sameysay dowladda dhexe.
Madaxweynaha ayaa maamulayaasha u sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay inay hubiyaan canug kasta inuu dugsi dhiganaya .
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in dowladda ay diyaar u tahay inay caawiso ardaygii aan awoodin qarashaadka waxbarashada.
Xildhibaanada baarlamaanka ayuu ugu baaqay inay lacagaha horumarinta deegaanada ee CDF u adeegsadaan inay carruurta ka taageeraan dhanka waxbarashada.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale xusay in dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto waalidkii aan canugiisa dugsiga u dirin.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu kormeer ku sameeyay dhismaha waddo 65 kiiloomitir ah oo ku taalla deegaanka Subukia ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu sido kale xariga ka jaray warshadda Simba Cement oo ku taala Salgaa ee ismaamulka Nakuru taasi oo lagu qarash geliyay 5.8 bilyan oo shillinka dalka ah.
Warshadan ayaa abuuri doonta 700 oo fursadooyin shaqo ah si ay uga faa’idaystaan dhalinyaradda.
Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyaatta ayaa sheegay in dalka looga baahan yahay in laga hirgaliyo shirkado badan si ay kenyaanka uga faa’idaystaan.
Madaxweyne Uhuru oo goobta khudbad ka jeediyay ayaa balan qaaday in Kenyaan badan ay shaqo heli doonaan.
Wuxuu sido kale carrabka ku dhuftay in marka uu talada dalka wareejinaya uu doonayo in wadanka ay midnimo buuxda ka jirta.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in la sameyn doono wax kasta oo suurtagal ah si Kenyaanka aynan mar kale siyaasad ama qabyaalad ugu kala qeybsamin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here