DHAGEYSO:Madaxweynaha oo la hadlay ciidamo Tababar loo furay.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay wado qorshooyin mideyn iyo dib u dhis loogu sameeynaayo Ciidamada Maamulkaasi
Waxaa uu Xusay in Galmudug ay sameyneyso Ciidamo Daraawiish iyo kuwo boolis ah oo leh tababar Casri ah si ay u sugaan Amniga Guud ee deegaannada Maamulka Galmudug ee ku jira Gacanta Maamulka iyo xoraynta kuwa ka maqan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in Ciidamadaas ay ka qeyb qaadaan doonaan sugitaanka Amniga iyo la dagaalanka Ururka Al-Shabaab oo ku sugan degaano ka tirsan Galmudug.

Saddexdii Todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaay Wasaaradda Amniga Galmudug la wareegeysay maleeshiyo Beeleedyada hubeysan ee ku sugan Gobolka Mudug,kuwaasoo laga dhigi doono Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here