Dhageyso:Madaxweynaha oo loogu baaqay inuu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirada

Xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururada shaqaalaha dalka ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiiradda.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu jiro qorsho la doonayo in looga takhaluso ku xigeenka hoggaamiyaha dalka William Ruto.
Siyaasiyiinta dalka ayaa qorshaha la sheegay oo aan weli la xaqiijin siyaabo kala duwan uga hadlaya.
Qaar ka mid ah waxay doonayaan in baaritaano la sameeyo oo lala xisaabtamo shakhsiyaad la farfiiqay oo ay wasiirro ka mid yihiin halka kuwa kalena ay ku doodayaan in tani ay tahay xeelad Kenyaanka looga mashquulinayo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Mr. Atwoli ayaa hoosta ka xarriiqay in maadaama si weyn loo hadal hayo qorshaha la sheegay , ku xigeenka madaxweynaha dalka uu u muuqdo inuunan ku kalsooneyn qaar ka mid ah wasiirada sidaasi awgeedna madaxweyne Uhuru laga doonayo inuu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa fulinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here