DHAGEYSO:Madaxweynaha Puntland oo Amray in la toogto shaqsiyaad uu ku tilmamay Cadowga Puntland

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in deegaannada Maamulka Puntland laga dhex sameeyo khalalaaso iyo waxyaabo keeni karo Amni darro.
Waxaa uu Tilmaamay in cid allaala cidii diidan nabada iyo wada Noolaanshaha shacabka deegaankaas tallaabo ay ka qaadi doonaan,isagoo amray Ciidamada Maamulka Puntland inay toogtaan cid kasta oo kasoo horkeeda Maamulkaas uuna Cadow ku Tilmaamay,isla markaana aysan maxkamad la sugin.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo sii hadlayay ayaa sheegay in cadowga Puntland uu weji farabadan leeyahay,hayeeshee uu rajeynayo in cid kasta oo hubeysan oo ku jirta fal dambiyeed la toogan doono.

Hadalka Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar deegaannada Maamulkaas ay ka dhacaan dagaal beeleedyo,weeraro iyo dilal ay mas’uuliyadooda sheegtaan dagaalameyaasha Al-Shabaab & Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here