DHAGEYSO:Madaxweynaha Puntland oo faahfaahin ka bixiyay shir uu horay u iclaamiyay

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa sheegay in shirkii wadatashiga ee ka dhacay Magaalada Garoowe ay kasoo baxeen in la dhigo gogol ay ku wada hadlayaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada,isla markaan weli Puntland ay diyaar tahay gogoshaas iyo qaban qaabadeeda balse ay xaaladuhu isbadaleen kadib Caabuqa aduunka dhan saameyay cabsida badana abuuray.
Waxaa uu sheegay in dad badan ay soo weeydiiyeen sababaha uu shirkaasi u qabsoomi la’yahay,waxaana uu xusay in dhinacyada kale ee dowladda iyo maamul goboleedyada uu ku wargaliyay waxyaabaha dhankooda diyaarka ka ah basle ay tahay cabsida Cudurka coronavirus inaan xiligaan shirkaas la isugu imaan karin.
Saciid C/laahi Dani Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland wuxuu sheegay in Puntland uu mowqifkeedu cad yahay welina diyaar u tahay inay dhigto gogoshii ay horey u fidisey iyo inuu booqan doono Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya iyo Xarumaha maamul Goboleedyada kala ee dalka ka jira si loo dhameeyo kala aragti duwanaanta siyaasadeed ayadoo diirada la wada saarayo hormarka dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in deegaanda maamulkaas laga mabnuucay qaadka balse uu wali si caadi ah u yimaado qaadku puntlan.
Madaxweyne deni ayaa sheegay in saraakiisha loo xilsaaray ka hortaga khatarta cudurka covid 19 aysan sidii la rabay shaqada u qaban lagulana xisaabtami doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here