DHAGEYSO:Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya ku xigeenkiisa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay khilaafka soo kala dhax-galay,isaga iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash,kaas oo saameeyay hay’adaha kala duwan ee Maamulka.
Saciid Deni waxa uu sheegay in Puntland ay tahay deegaan xasiloon,hayeeshee qoraaladii lagu baahiyey Baraha Bulshada ee lagu sheegay in madaxweyne kuxigeenkiisa uu soo saaray uusan hubin inay yihiin kuwo sax ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in awooda Maamul ee Magacaabista xilalka uu mas’uul ka yahay,isaga,hayeeshee kaliya Madaxweyne kuxigeenka uu leeyahay in uu kala tashado Magacaabista.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa aad looga hadal hayaa baraha ay bulshada ku wada xiriirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here