DHAGEYSO:Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay kulan ay isaga iyo Axmed Madoobe la yeesheen Madaxweyne farmaajo

Madaxeynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa sheegay in kulan wada Jir ah oo ay yeesheen isaga dhigiisa Maamulka Jubaland iyo Madaxweynaha Soomaaliya xal buuxa looga Gaaray waxyaabo badan oo markii hore labada dhinac ka dhex jiray kadib shirir kala duwan oo ay todobaadkii hore ku yeesheen dhuusamareeb kuwaasoo saxaafado banaanka ka joogtay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa sido kale faahfaahiyay kulamo gaar ahaa oo madxda Maamuladu la yeesheen Ra’isulwasaare Xassan Cali khayre oo xiligaas Xilka Hayay balse hada laga qaaday.
Wuxuuna sheegay in waxyaabaha ugu badan ee ay kaga hadleen kulamadooda ay ka mid ahayd soo dhisida gudiga Farsamada ee loogu talagalay inay isla bisleeyaan nooca Doorasho ee dalka Soomaaliya xiligaan ka dhicikarta Xafiiska Ra’isulwasaaruhuna ay ahayd inuu hogaamiyo gudigaas oo dardar galiyo ,si 15 bisha Soo socota markale la isugu yimaado magaalada Dhuusamareeb oo halkaas looga anba qaado arimaha muhiimka ah ee la isku afgartay

.Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dhowr Magaalo ay booqdeen wafdiyada isgoo ku bogaadiyaya Madaxweyanaha Maamulka Galmudug dadaalo ku saabsanaa is dhexgal iyo baahinta nabada oo uu Sameeyay ayaguna ay qayb ka ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here