DHAGEYSO:Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay qarixii Garowe

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), oo u geeriyoodey qarax ismiidaamin ahaa oo Xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay ka go’antahay inay ciribtirto nooc-kasta oo ah waxa loogu yeero argagaxisada, falalka noocaasoo kale ahna aysan cabsi gelineyn Madaxda iyo Shacabka maamulka Puntland.
Wuxuu sheegay inay jireen isku dayo badan oo Waqti la geliyey si falal amni darro laga abuuro deegaannada maamulka Puntland,isla markaana Puntland ay ka wareheysay xogta qarixii ka dhacay Magaalada Garoowe laguna daba jirey maadaama ay qadarna ku dhacday.
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa shacabka ugu baaqay inay maamulka la shaqeeyaan wuxuuna xaqiijiyay in lagu daba jiro cidkasta oo falkaas ku lug lahayd.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qarixii ka dhacay Magaalada Garoowe,iyaga oo sheegay in qaraxaasi ay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad goboleedka Puntland.
Puntland waxay sheegtay in dhamaan heegan la geliyey Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas si ay u fuliyaan howlgallo lagu sugayo Amniga deegaanada Maamulkaas iyo ka hortaga Cudurka Coronavirus.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha maamulka Puntand,Kuxigeenkiisa iyo Guddiga Amniga ee Gobolka Nugaal ayaa lagu shaaciyey in heegan la geliyey dhamaan Ciidamada,waxaana la amrey laamaha Amniga inay cududooda isugu geeyaan sugida Amniga iyo ka hortaga cudurka COVID 19.
Go’aankaan kasoo baxey maamulka Puntland ee lagu sheegay in heegan sare lagu geliyey Ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Garoowe lagu diley Guddoomiyihi Gobolka Nugaal ee maamulkaasi.
Qof ismiidamiyey ayaa isku Qarxiyey Gaari ay saarnaayeen Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli.
Labada Masuul ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo Culus oo ugu dambeyntii uu u geeriyooday Gudoomiyihii gobolka Nugaal.
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa Magalada Garoowe ka bilaabay howlgallo,kadib markii xalay halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah,waxaana Ciidamada oo wata Gaadiidka noocyadiisa kala duwan lagu arkayaa,iyagoo howlgallo ka fulinaya Xaafadaha qaar ee Magaalada Garoowe.
Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa dhanka kale waxay warbixino ka dhagaysteen Guddoonka gudiyada amniga iyo ka Hortaga Coronavirus iyagoo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee Amniga Puntland iyo sida loogu diyaargaroobey ka hortaga cudurka Coronavirus ee adduunka ku fidaya.
Go’amo kasoo baxey Shirkaas ayaa waxaa kamid ah in bandow xilliyada habeenkii ah lagu soo rogey deegaannada Puntland,kaas oo bilaabanaya 6:00 Maqribnimo kun eg ilaa 5:00 Subaxnimo.
Sidoo kale waxaa la amrey in laga bilaabo 1-da april in la joojiyo basaska ka dhex Shaqeeya Magaalooyinka dhexdooda iyo kuwa u kala gudba Magaalooyinka deegaannada Puntland.
Sidoo kale in la xadidey Goobaha dadka isugu yimaada,sida Goobaha Ciyaarah,Maqaaxiyaha lagu Ciyaaro, iyo Shirarka iyo Kulamada iyo qodobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here