DHAGEYSO:Madaxweynaha Puntland oo ka soo laabtay safar uu ku tagay Jabuuti

Madaxweynaha Dowlad goboleedka soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo maalmahan ugu maqnaa Dalka Jabuuti ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Garoowe.
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe waxaa Madaxweynaha Puntland kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Abuukate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Ciidan, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaaladda kala guurka ah ee dalka Soomaaliya marayo iyo doorashooyinka, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey safarkii Jabuuti oo uu sheegay inuu guul kusoo dhammaaday.
Waxaa uu ugu horreyn ka tacsiyeeyay geeridii shalay ku timid wasiiru dowlihii madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise .

Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay shaqaaqooyin dhawaan dhacay oo uu sheegay inuu rajeynayo in xal laga gaaro.

Madaxweynaha Puntland ayaa sido kale ka hadlay halista cudurka COVID19 isagoo shacabka ku booriyay inay sii wadaan u hoggaansanka talooyinka caafimaad ee looga hor tagaya faafitaanka coronavirus.

Siciid Cabdullahi Deni ayaa sido kale faahfaahin ka bixiyay safarka uu ka soo laabtay ee uu ku tagay Jabuuti.

Waxaa uu ugu dambeyn ku dheeraaday marxaladda kala guurka ee ay Soomaaliya ku jirto iyo waxa uga baxay khudbadii uu shalay jeediyay madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here