DHAGEYSO:Madaxweynaha Puntland oo la kulmay gudiga Gurmadka

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-gudoomiyey kulan looga hadlayey saamaynta balaaran ee ay ku yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaasoo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran.
Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay Guddiga uu dhawaan Magacaabay ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay mashaqadii Magaalada ka dhacday si deg deg ahna wax looga qaban lahaa.
Dhanka kale Wabiga Juba ayaa lagu soo waramayaa inuu fatahaado ka sameeyay degmada Baardheere ee gobolka Gedo halkaasoo ka mid ah deegaanada uu wabigu maro.
In ka badan 5,600 oo qoys oo noloshooda ay ku tiirsaneed wax soo saarka beeraha ayaa lagu soo waramayaa inuu saameyay fatahaad uu webiga Jubba sameeyey,iyagoo ku waayay dalagyo farabadan oo ay beerteen.
Qaar ka mid ah shacabka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in guud ahaan magaalada ay biyuhu gudaha u galeen waxayna codsadeen gargaar lala soo gaaro maadaama ay fatahaad aku hanti iyo hooy beeleen.

Boqolaal kamid ahaa Shacabka ku nool degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga ayaa ka barakacay guryahooda,iyagoo ka cabsi qaba in waxyeelo ay kasoo gaarto fatahaada uu sameynayo Wabiga Jubba.
Cabsi la xiriirta fatahaada Wabiyada Soomaaliya Mara iyo Juba iyo shabeelle ayaa waxaa ay sidoo kale ka taagan tahay Magaalooyinka Jowhar,Balcad iyo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo sanadkii hore saamayn weyn ka soo gaadhay fatahaada wabiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here