DHAGEYSO:Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay gudiga dabagalka Mashaariicda.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u saaray dabagalka iyo hirgelinta fursadihii iyo ballanqaadyadii maalgashi ee ka dhashay Shirkii Todobaadkaan lagu qabtay Magaalada Garoowe ee ku saabsanaa Maalgashiga deegaanada Maamulkaasi.
Madaxweyne Deni ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada ee maamulka Puntland faray in Xubnaha guddigaas loo fududeeyo howlaha loo igmaday,si ay ugu guuleystaan hirgelinta balan qaadyadii ay sameeyeen intii lagu jiray Shirkaasi.
Afhayeenka Madaxtooyada Maamul goboleedka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa warbaahinta la wadaagay Magacaabista Gudigaas.

 

Shirkii Maalgashiga Puntland ee dhawaan lagu qabtay Magalada Garoowe ee xarunta gobolka nugaal ayaa waxaa ka qeyb-galay shirkado caalami ah iyo kuwa ka howlgalla gudaha dalka Soomaaliya,waxayna balan qaadeen inay howlo maalgashi ka sameyn doonaan deegaannada maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here