DHAGEYSO:Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay diyaar u yihiin wadahadalka dowlada dhexe.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay sababaha aysan uga qayb Galin Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Maalinkii labaad ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya iyo sidoo kale wada-hallada uu sheegay inay diyaar u yihiin inay la qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Siciid Deni waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wada-hadallo toos ah oo ay la galaan Dowladda Federaalka,isla markaana si toos ah Tv-yada looga daawado si dadka Soomaaliyeed u ogaadaan waxa ay labada dhinac isku heystaan.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa soo hadal qaaday Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Muqdisho iyo sababaha ay u qaadaceen,waxaana uu sheegay inaan Puntland Kulankaas laga talo gelin sida uu hadalkiisa u dhigay,isla markaana ay Baraha Bulshada ka arkeen Ajandaha Shirka looga hadlayo.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay kulan uu xalay kula qaatay magaalada Boosaaso bulshada gobolka Bari kaasoo ahaa mid Bulshada ay Su’aalo ku weeydiinayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here