DHAGEYSO:Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dagaalka Gobolka Sanaag

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay dagaalkii Ciidamada Millateriga Soomaaliland iyo kuwa uu hoggaamiyo Korneyl Caare ku dhexmaray duleedka Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Waxa uu sheegay in dagaalkaas dhawaan si nabad ah lagu dhameyn doono,isla markaana qof walba oo qaba tabasho ay wadahadal la furayaan, si loo dhameeyo xiisadaha dagaal ee ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa intaasi ku daray in iyaga oo ilaalinaya Sharciga Soomaaliland ay u dul qaadanayaan dhibaatooyin kasta ee la soo gudboonaada,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay soo afjaridda dagaalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here