DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliland oo sheegay inaysan aqbalayn deeq Soomaaliya loo soo mariyo

Madaxweynaha Soomaaailand Muuse Biixi Cabdi oo Maanta jeediyey khudbad gaar ah oo ku saabsan xuska 18 Bisha May oo ku beegan 29 sano guuradii ka soo waregtay Markii Soomaaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya,Deeqaha Soomaaliland loo soo marsiiyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo waxyaabo kale oo ka mid ah gooni isu taagooda.
Madaxweyne Biixi waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan deeqaha Beesha Caalamka ay siinayaan Soomaaliland balse marnaba aysan aqbaleyn in loo soo marsiiyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa uu Tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u arkaan inay labo dowladood kale yihiin Soomaaliland
Isagoo xusay inay dhanka kalena diidan tahay madax banaanidooda sidoo kalena ka hortaagan in la aqoonsado.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa soo hadal qaaday arrimaha la xiriira wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland,waxaana uu sheegay inay wadahadal diyaar u yihiin,balse marka hore looga baahan yahay inay Dowladda dhexe ee Soomaaliya, Soomaaliland u aqoonsato inay kala yihiin labada dal sida uu hadalkiisa u dhgay.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Saddexdii sano ee la soo dhaafay ay hakad galeen wada-hadaladii u dhexeeyay dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya ayaa Sanadkii 1991-kii 18 Bishii May oo Maanta ay ka soo wareegtay 29 sano waxay ku dhawaaqeen inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale waxaana mudadaas ay ku howlanaayeen inay aduunyada ka raadiyaan aqoonsi wallow aysan Wali Soomaaliland ku guulaysan in loo aqoonsado qaran ka madaxbanaan dalka Soomaaliya intiisa kale.
Balse waxaa hubaal ah in bushada Soomaaliland ay samaysteen Maamulka dhamaystiran sidoo kale deegaanadeedu ay nabad yihiin ayana shacabka doortaan hogaankooda.
Sanadkasta marka la gaaro 18 bisha May dhamaan deegaanada Soomaaliland waxaa ka dhaci jiray dabaal degyo waa weyn balse Sanadkaan ma jiraan sababo la xiriira cudurka aduunyada dhan saamaynta ba’an ku yeeshay ee Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here