DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliland oo sheegay inaysan ogolaanayn in madaxweyne Farmaajo Hargayso yimaado

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo Maanta khudbada Dastuuriga ah ka horjeedinayay labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliland ayaa sheegay inaysan marna aqbalayn inuu Magaalada Hargaysa yimaado Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo.
Muuse Biixi wuxuu sheegay in dowlada Madaxweynaha Soomaaliya uu hogaamiyo ay dhibaatooyin ka gaysatay Soomaaliland marnabana aysan imaanshihiisa aqbalayn.

Dhanka kale Maxaweyne Biix wuxuu soo dhaweeyay raalli gelintii madaxweyne Farmaajo uu u jeediyay Somaliland,isagoo xusay inay Raali Galintaasi ahayd Midii ugu horaysay oo dowlad Soomaaliyeed si faahfaahsan u bixisay.

 

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidoo kale xusay in Soomaaliya ay heshiin karaan haddii ay qaddariyaan go’aanka shacabka Somaliland iyo gooni isu taagooda ay doonayaan.
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbada Madaxweyne ee sanadlaha ah Maanta u jeedinayay Xubnaha labada Gole ee Soomaaliland ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii uu Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweyne C/laahi Farmaajo.
Muuse Biixi wuxuu sheegay in 9-kii Bishan uu Addis Ababa u tegay ka qeyb-galka Shirkii Madaxda Afrika,hayeeshee markii uu dhamaadey kulankaas uu si kedis ah Xafiiskiisa isugu kulan siiyey Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Madaxweyne Farmaajo una sheegay inay doonayaan inay wada hadlaan labadoodu.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka hor kulankaas kooban ee uu Addis Ababa kula qaatey Madaxweyne Farmaajo ay jireen Madax ka socotay dalalka,Turkiga,Sweden iyo Jabuuti oo ka codsadey in dib loo bilaabo wada-hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland isaguna uu aqbalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here