DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo arimo muhiim ah ka hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay Ciidamada ay Dowladda Soomaaliya geysay Gobolka Gedo,faragelin uu sheegay in dowladda Kenya ku heyso Arrimaha Soomaaliya iyo qodobo kale.
Madaxweyne Farmaajo oo Wareysi siinayay Tv-ga Universal ayaa sheegay isagoo ka hadlayay Ciidamada la geeyey Gedo in Dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta Xaduudaheeda,isla markaana aysan aqbaleyn in faragelin lagu sameeyo danaheeda gudaha.
Waxaa uu madaxweynuhu ku eedeeyey Dowladda Kenya inay faragelin ku heyso Soomaaliya,isla markaana ay u adeegsaneyso qaar kamid ah maamul Goboleedyada talabaadaasi oo uu ka digay.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Arrimaha maamulka Jubbaland ka hadlayay ayaa sheegay inaysan wax doorasho ah ka dhicin deegaanada Maamulkaas,waxaana uu sheegay Madaxweynaha in Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in la bedelo dhaqamada qaarkood oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here