DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiyay dhalinyari bishii afraad ka qaybgalay orado caalami ah

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dhalinyaro Soomaali ah oo guulo ka soo hooyay Oradka 1,500 oo mitir iyo midka 8,000 ee Mitir kuwwaasoo labaduba ka dhacay Dalka Jabuuti.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sanado badan oo dalka Soomaaliyeed caqabado adag wajahayay kadib uu hada wadanku horamr dhinacyo badan uga Talaabsaday sidoo kalena muwaadiniinta ay tahay in midkasta ka soo baxo waajibkiisa qaran ee ah inuu raadshoa sharafka wadankiisa.

 

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasbada ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu amaal marinayay oradyahanada Soomaaliyeed ee kaalimaha hore ka galay Tartankii Oradka ahaa ee lagu qabtay dalka Jamhuuriyada Jabuuti bishii afraad ee Sanadkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here