DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo daah furay manhajka dugsiyada sare ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda Waxbarashada ayaa Maanta daah-furay Manhajka Waddaniga ah ee Dugsiyada Saree Soomaaliya
Madaxweynaha ayaa manhajkan ka daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho oo ardayda wax ka barta uu u qeybiyey buugaagta manhajka, Wuxuuna ku dhiirri geliyey inay ka miro dhaliyaan hiigsigooda qofeed,tacabka Dowladda iyo qoysaskoodu ay ku bixinayaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkaan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda qalinleyda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh ay u leeyihiin kobcinta garaadka iyo garashada jiilasha soo kacaya taasoo aasaas u ah horumarinta dalka iyo in dadka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan khayraadka dabiciiga ah ee ceegaaga dhulkooda,isagoo bogaadiyay howsha dhabar adayga ku Salaysan ee ay Wasaaradda Tacliinta Soomaaliyeed Waddo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay sida Dowladda Soomaaliya ay kaga go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka Soomaaliya, iyadoo la kordhiyey maaddooyinka Dugsiyada Sare, lana gaarsiiyey 13 Maaddo oo ku diyaarsan Afka Hooyo ee Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here