DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya Kalafadhiga 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa gaaray Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa Khudbad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona kulankaan 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada la xiriira.
Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya fadhigaan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Agaasimada guud warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa warbahinta Faahfaahin ka siiyay.

 

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha mideynta dadaallada lagu wajahyo Argagixisada,Cimilada iyo qodobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here