DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo Hanbalyo u diray Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda,dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda ugu hambalyeeyay 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimada iyo dib u soo nooleynta dowladnimada Soomaaliya, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabooyin muuqda oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya ay ka soo hooyeen dagaalka Al-Shabaab iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo ay ka go’an tahay i ay dalkooda xoreeyaan.
Waxa uu ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga ee gudaha dalka, sida ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya.
Madaxweynaha ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.
Maanta oo ay Taariikhdu ku beegan 12-ka Bisha April waxay ku asteysan tahay 60-guuradii kasoo wareegtay Aas’aaska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,inkastoo maanta aysan ka jirin wax dabaaldeg ah.
Maalintaan qaran Sanadkasta ayaa meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya waxaa lagu qaban jirey munaasabado loogu dabaal-degayo Aas’aaska Ciidanka xoogga,hayeeshee sanadkaan aan la qabaneyn sababo la xiriira ka hortaga Cudurka Coronavirus.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeral Odawaa Yuusuf Raage ayaa hambalyo u direy Ciidanka dhamaan qaybaha ay ka kooban yihiin xoogga dalka Soomaaliyeed,isagoo sheegay inaysan jiri doonin munaasabado loogu dabaal degayo Maalinta Ciidanka xoogga.
Sidoo kale wuxuu baaq u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama au ciidamadu u Taaganyihiin difaaca Dalka, Dadka, Diinta iyo ilaalinta sharafka muwaadin kasta ee Soomaaliyeed, in iyagana laga doonayo inay la shaqeeyaan Ciidanka, si ay u gaaraab guulo wax ku ool ah una soo celino sharafkii iyo karaamadii Umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga XFS Xildhibaan Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa Ciidamada Xooga Dalka Xaasaskooda iyo Caruurtooda ugu hambalyeeyay Maalinka Ciidanka Xooga Dalka ee 12 Bisha April,wuxuuna Ciidaada kula dardaarmay iney Ka taxadaraan Cudurka dilaaga ah ee Covid19 si ciidanka ay uga badbaadaan halista Cudurkaan uu aduunka ku hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here