DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabada 26-ka Juun.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Xalay Ka qayb galay munaasabad lagu Maamuusayay Sanad guurada 59-aad ee ka soo wareegtay Xiligii ay dadka Soomaalyeed iska dulqaadeen gumaystihii Ingiriiska ee haysta gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa uga hadlay dadaalkii dheeraa ee loo soo galay xornimada ay hada ku naaloonayaan dadka Soomaaliyeed wuxuuna sidoo kale madaxweynuhu wax laga xumaado ku Tilmaamay in gobonimo dhiig loo soo daadiyay oo dadka Soomaaliyeed heleen kadib uu hadan dalku Cagaha la galay dhibaatooyin ka bilowday dagaalo Sokeeye.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay dowladiisa ka go’an tahay dib u soo noolaynta wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland wuxuuna dhalinyarada ku booriyay inay u istaagaan hormarinta Mustaqbalka dalkooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here