DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb-Galaya kulanka golaha guud ee Q M.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu kaga Soo qeyb-galayo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Saddex Sano oo uu Madaxweynaha Ka ahaa Soomaaliya,kadib waa markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Farmaajo uu u ambabaxo Mareykanka si uu uga qeyb-galo Madasha Golaha Guud ee Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa,arintaan ayaana imaanaysa kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu iska celiyay 1-dii Bishii Agoosto ee sanadkaan dhalashadii uu wadanka Maraykanka ka haystay.
Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa shirka Guud ee Golaha Qaramada Midoobay waxaa ka qeyb-galay oo Madaxweynaha Wakiil uga ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.
Wasiiru dowlada Wasaarada arimaha Dibada ee Dowlada Soomaaliya C/qaadir Axmed Khayr ayaa faahfaahinaya safarka Madaxweynaha ee dalka Maraykanka.

 

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Kulanka 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed dhallinyarada, xal u helista Colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo waxa loogu yeero argagixisada iyo qodobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here