DHAGEYSO:Madaxweynaha soomaaliya oo khudbad ka jeedinaya Shir Madaxeedka Afrika

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad ka jeediyo meertada 33-aad ee shirka midowga Afrika ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa,wadanka Itoobiya.
Waxaa uu madaxweynaha khudbadiisa kaga hadli doonaa guulaha ay gaartay Soomaaliya caqabadaha ku xeeran iyo fursadaha u baahan in sida wadajirka ah looga faa’iideysto qaarad ahaan.
Sido kale madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu codkiisa ku biiriyo hal ku dhigga shirka ee sannadkan ee la xiriira xal u helidda colaadaha.
Mr.Farmaajo oo shalay iyo xalay madax kala duwan la kulmay ayuu qorshuhu yahay inuu kulamadaasi sii wado.
Waxaa uu ilaa iyo hadda madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shirar la yeeshay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin aa’iisul Wasaareyaasha dalalka Norway iyo Canada.
Gelinka dambe ee maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ka socda magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.
Shirkaan waxaa Soomaaliya u metelaya Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaalada ka jira dalalka Afrika si gaar ah caqabadaha ka taagan wadanka suudaanta Koonfureed.
Dhanka kale qaramada midoobay ayaa madaxda Afrika ee halkaas isugu tagay ugu baaqday inay xal u raadiyaan dagaallada Liibiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda federaalka soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka warbixiyay shirarka uu mas’uuliyiinta dalalka kale la yeeshay Madaxweynaha soomaaliya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here