DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Munaasabada 26-Jun-20

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya sidoo kalena markii ugu horeeysay ee Calanka Jamhuuriyadu ka babado dhul Soomaaliyeed.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Faraamo ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna hoosta ka xaqriiqay muhiimada midnimada iyo sida ay lama ilaawaanka u yihiin kuwii dhiigooda,Maalmooda iyo Maskaxdooda ku bixiyay Halganka Helitaanka Xoriyada.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu kaloo soo hadal qaaday wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo sida uu ugu rajo weyn yahay inay mira dhal noqdaan maadaama aysan labada dhinac midna horay u socon Karin midka kale la’aantiisa.
Madaxweynaha ayaa Xusay inuusan dhamaan Halgankii Soo bilowday 60 Sano ka hor dadka Soomaaliyeedna looga baahan yahay midnimo maadaama ay khibar u leeyihiin kala qaybsanaanta dhexdooda ah iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay sidoo kale dhamaan dhinacyada iyo qaybaha umada Soomaaliya ugu baaqay inay ka qayb qaataan weynaynta maalmahaan muhiimka ah ayagoo muujinaya qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here