DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu la kulmo xildhibaano iyo wasiiro

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Maanta kulan la qaato Wasiirada, Senatarada iyo Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ama Somaliland, ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Xalay ayaa Wasiirada iyo Xildhibaannada waxaa loo diray farriimo lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan casuumaadaas oo ah mid kala war-qaadasho ah, in kastoo aan weli sidhab ah loo ogeyn inay ogoladeen iyo in kale.
Kulanka ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu warbixin ka siiyo shirkii Wada-hadalada Doladda dhexe ee Soomaaliya iyo Somaliland ee todobaadki hore uu kaga qeyb galay dalka Jabuuti iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya oo Kuraasta Gobolada Waqooyi lagu dooran doono Magaalada Muqdisho iyo qodobo kale.
Wararka ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay dooneysa inay saameyn ku yeelato Xildhibaannada ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland,kuwaasoo waqtiga doorashooyinka lagu tashado codadkooda.
Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya kanasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa sheegay inay walaac xoogan ka qabaan guddiga soo diyaarinta xeerarka doorashooyinka Qaran,waxaana uu sheegay in Xubno kamid ah ay wadatashiyo la yeesheen Madax ka tirsan Villa Soomaaliya.
Sidoo kale Xildhibaan Xuseen Carab Ciise wuxuu sheegay inaysan ku koobnayn deegaan Gaar ah oo laga soo dooranayo maadaama doorashada Soomaaliya ay tahay Habeeleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here