DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Xariga ka Jaray xarumo dowladeed

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa Maanta Daahfuray Diyaatarka qaranka Soomaaliyeed oo lagu dhisay Barnaamijka Madaxweynaha Soomaaliya uu shacabkiisa ku hogaaminayo ee Isxilqaan dalkaaga ku dhiso.
Madxweyne Farmaajo ayaa Hoosta ka xariiqay in isku tashiga waxwalba lagu dhisi karo ayadoonA gacmo heshiiye waxba laga helaynin.
Madaxweynaha oo khudbad Gaaban ka Jeediyay Furitaanka Tiyaatarka ayaa sheegay in isku duubnida dadka Soomaaliyeed ay waxgasta u goyso gaar ahaan dhinacyad hormarka amaanka iyo wacyigalinta.
Madaxweyne Farmaajo aya Hobalada qaranka Soomaaliyeed ee Waabari faray inay u istaagaan wacyigalinta bulshada maadaama dib loogu dhisay xaruntoodii Tiyaatarka qaranka.

Kowda Bisha luulyo oo hada ay 4 Cishe naga xigaan ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu Madaxweynaha Soomalaiya Xariga ka Jaro Garoonka kubada Cagta Staduim Muqdisho oo ka mid ah xarumaha danta guud ee lagu dhisay Barnaamijka is xilqaan.
Sanadkasta Soomaaliya ayaa Maanta oo kale waxaa u bilowda todobaadka Xoriyada oo ah mid aad ugu qaymo badan umada Soomaaliya waana Markii ugu horaysay oo Gayiga Soomaaliya laga Taago Calanka Jamhuuriyada oo ah Dhaxal ay wada leeyihiin dadka Soomaaliya waxaana lagu Xasuustaa Gabaygii diiwaanka Galay ee uu ku Cabirayay abwaan C/laahi Sudaan Timada cade in calanka Gumaysiga la dajiyo Kan Soomaaliyeedna la suro.

Isla Xilgaas 26 June 1960 Maxmaed Xaaji Ibrahaim Cigaal ayaa Fagaaraha Beerta Xoriyada Hargaysa ee Calanka laga Taagay kaga dhawaaqay inay Far cishe kadib Diyaar u yihiin la midowga Walaalahooda gobolada Koonfureed si loo yegloolo Jamhuuriyada Soomaaliya astaanteeduna tahay Calanka Bluuga ee dhexda xidigta shanta gees leh ku leh.

Madaxweynihii ugu horeeyay uu Soomaaliya ahaana Hogaamiyihii ugu horeeyay ee si dimuquraadi ah loo soo doorto Adan Cabdullie Cismaan Adan Cade wuxuu midowgii Kowdii luulyo iyo dhismihii qaran Soomaaliyeed oo xor ah uu ka jeediyay khudbadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here