DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka dadban

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban.
26-kii bishii sagalaad ee sannadkan ayay ahayd markii Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen heshiiskan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa heshiiskan uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay Maamulka uu hoggaamiyo sii ambaqadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo qabsoomidda doorasho saldhigeedu yahay Heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed 17-kii Sebteemar 2020.
Hoggaamiyaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay inay dalka u jiheeyeen doorasho
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir dadaalkii ay ku bixiyeen in heshiis laga gaaro wadahadalladii ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka ee ku qabsoomay Samareeb iyo Muqdisho.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare dhammeystirka habraacii uu sharciga ku noqday Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay ayaa yiri.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda dardargelinta doorkeeda ku aaddan fududeynta qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskan ay ansixiyeen Baarlamaanku, kuna meel maray saxiixa Madaxweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here