DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo Saxiixay sharciga Doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madashaas ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka qaranka oo saldhig u ah geeddi socodka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018, iyadoo hannaan daah-furan lagu ansixiyey, taasoo muujinaysa sida ay uga go’aneyd dowladda in sharcigan uu noqdo mid ka tarjumaya hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah doorasho xor ah oo dalkooda ka dhacda sida lagu Yiri warsaxaafadeedka ku Saabsan Saxiixa Sharcigaas.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Xildhibaannada iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciyo muhiim u ah hor u socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, kuwaasoo xoojinaya qorsheyaasha Xukuumadda ee xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadidda nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey howlaha muhiimka ah ee u harsan Baarlamaanka 10-aad, kuwaasoo ay ka mid yihiin dar-dar gelinta Dib u eegsita Dastuurka, dhammeystirka xeer-nidaamiyeyaasha doorashooyinka iyo ansixinta xeerarka iyo sharciyada ay u soo gudbisay Xukuumaddu.
Munaasabaddan oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka ayaa inta ay socotay, waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdirixmaan, halka Hoballada Qaranku ay soo bandhigeen suugaan isugu jirta wacyigelin, dardaaran iyo dhiirri gelin.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayr ayaa madasha ka aqriyay qodobkaan muhiimka ah ee madaxweynuhu Saxiixay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hay’adaha dowlada ay ka dhexayso wada-shaqayn Wanaagsan,ay kala Madax banaanyihiin sidoo kalena ay Gudanayaan Waajibaadyadooda
Madaxweynaha wuxuu Xusay in Sharaciga Doorshooyinka uu Saxiixay iyo midka Qaybsiga Khayraadka dalka ay ku Heshiiyeen dhamaan Maamulada dalka Ka jira iyo dowlada dhexe maadaama la wada saxiixay shirkii Baydhabo ka dhacay Bishii Juun ee Sanadkii 2018-kii.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa shacabka iyo Siyaasiinta kula Dardaarmay inay inay nidaamka dalka u hogaamsamaan sidoo kalena ay wadankooda u shaqeeyaan,maadama Nidaamkaan uu marxalado kala duwan Soo maray isagoo howsha Baarlamaanka bogaadiyay.

Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa dhankiisa srin muhiim ah ku Tilmaamay wadashaqaynta labada gole ee Baarlamaanka taasoo sahashay inay wada jir u ansixiyana sharciyo badan oo dhaxal reeb ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here