DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay macquul tahay in wariyeyaasha qaarkood Shabab la shaqeeyaan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falanqeynta Siyaasadda ayaa wax laga weeydiiyay wadashaqeynta dowladda dhexe & Wariyeyaasha oo mararka qaar ay Warbaahintu sheegtaan inay dhibaato kala kulma hay’adaha dowladda qaarkood.
Waxaa uu sheegya in dowladda uu hoggaamiyo ay Wariyeyaasha si toos ah ula Shaqeysay,hayeeshee uu sheegay inay jiri karaan dad u eg Suxufiyiin oo aan khibrad laheyn balse meelo kale xiriir la leh kuwaasoo magaca guud ee warbaahinta Soomalaiyeed dhibaato ku ah.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay inay jiri karaan dad Wariyeyaal ah oo la Shaqeeya meelo kale sida Al-Shabaab ama dhinacyo kale, kuwasoo uu Xusay inay ka Shaqeynayaan khalqal gelinta Amniga iyo hormarka dalka Soomaaliyeed.
Waxaa uu soo hadal qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ansixintii Baarlamaanka labadiisa Aqal ee sharciga Saxaafadda sidoo kalena uu Madaxweynuhu saxiixay,wuxuuna sheegay in dadaal badan ay dowladdu ku bixineyso la Shaqeynta Wariyeyaasha iyo hormarintooda.

Marka laga soo tago hadalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa waxaa jiray in Saddexdii sano iyo barkii la soo dhaafay ay Wariyeyaal dhowr ah lagu xiray gudaha dalka Soomaaliya, halka kuwo kale ay sheegteen dhibaatooyin kale oo ay kala kulmeen hay’ado dowli ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here