DHAGEYSO:Madaxweynaha soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ka qabsoomaya caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Barnaamijka meertadan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka ilaa iyo berri 10-ka bishan Febaraayo.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee madaxtooyada soomaaliya ayaa muujinaya in shirkan lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.
Fadhi gaar ah oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay ku gorfaynayeen xaaladda dalka Koonfurta Suudaan ayaa sido kale la soo gabagabeeyay waxa ayna madaxdu iska xog wareysteen miro dhalka dadaallada heer Gobol iyo heer qaaradeed ee lagu nabadeynayo dalkaas.

Agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka bulsho ee Madaxtooyada soomaaliya Cabdinuur Maxamad Axmad oo ka warbixiyay ka qeyb galka shirkaas ee Madaxweynaha soomaaliya iyo dibloomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa muujiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin qorsheyaasha xasilinta amni iyo siyaasadeed ee gobolka geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here