DHAGEYSO:Madaxweynaha Tanzania oo sheegay inuunan dalkaas xayiraad saari doonin

Madaxweynaha wadanka Tanzania ,John Magufuli ayaa maanta amar ku bixiyay in dabagal lagu sameeyo baaritaannada la xiriira cudurka covid-19 ee laga sameeyo sheybaarka qaran ee dalkaas.
Waxaa uu sheegaya inay jirto faragelin dhanka galbeedka uga timid.
Magufuli ayaa ku andacoonaya in la baaray xoolo, saliid iyo miraha cabitaannada laga sameeya oo laga dhigaya dhacaanka bani’aadamka kaddibna la soo saaray natiijo ah in cudurka laga helay dad.
Madaxweynaha ayaa yiri waxaan soo saarnay dhacaanka ariga oo la tilmaamay in cudurka lagu arkay,waxay tani kuu caddeynaysa in sheekada aan la is qabadsiin Karin.
Magufuli ayaa arrimahan ka hadlay xilli shalay la dhaarinayay wasiirka cusub ee arrimaha dastuurka ee dalkaas Mwigulu Nchemba.
Shacabka ayuu ugu baaqay inay howlahooda caadiga ah wataan balse ay taxadar muujiyaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu wadankaas ku soo rogi doonin xayiraad dhanka isku socodka ah oo saameyn karta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Tanzania John Pombe Magufuli ayaa dhanka kale beeniyay in wasiirkii arrimaha dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here