DHAGEYSO:Madaxweyne Deni oo baaq u diray Soomaaliland

Madaxweynaha dowlad goboleedka soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xerada ciidanka Xorgoble ee Degmada Qardho tababar ugu soo xiray dufcaddii 2-aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland.
Madaxweyne Deni oo la dardaarmay ciidanka maanta tababarku u soo xirmay ayaa sheegay in Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba uu farayo Dowladda ilaalinta sharafta shacabka.
Waxa uu xusay in dowladda federaalka soomaaliya ay isku koobtay Dhaqaalaha Beesha caalamku ku bixiyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya iyo sugidda Amniga.
Sido kale waxaa uu baaq u diray soomaaliland isagoo ciidamada ammaanka amray in cidii amniga khalkhal gelinaysa meeshii lagu arko lagu toogto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here