DHAGEYSO:Madaxweyne Deni oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya labada gole

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Khilaafkaas ay mas’uul ka yihiin Guddoonka Golaha Shacabka oo keliya.
Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh uu meesha ka saaray Kaalintii Aqalka Sare ku lahaa Arrimaha ku saabsan Doorashooyinka, islamarkaana uu si cad u inkiray jiritaanka Aqalka Sare ee Baarlamanka.
Mudane Deni, wuxuu tilmaamay in Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxweyne Farmaajo ay ka midaysan yihiin, in la baabi’iyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Aqalka Sare oo kamid ah Labada Gole ee Baarlamanka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi aan lagu casumin Munaasabadihii Xornimada Dalka ee lagu qabtay Muqdisho, taasina ay abuurayso Kalsooni-darro iyo kala fogaansho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here