DHAGEYSO:Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Muuqaal-baahiyaha SNTV2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray Xarunta Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Muuqaal-baahiyaha SNTV2 ee dhawaan lagu soo kordhiyey, kaas oo loogu tala galay baahinta arrimaha wacyigelinta bulshada iyo xoojinta wadaniyadda.
Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray xarunta Wasaaradda Warfaafinta waxaa uu soo kormeeray qeybaha Wasaaradda gaar ahaan Muuqaal-baahiyaha SNTV2 .
Waxaa uu madaxweynaha warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo dhamaan howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay uga go’an tahay baahinta barnaamijyada la xiriira waddaniyadda iyo wacyigelinta bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here