DHAGEYSO:Madaxweyne farmaajo oo maanta kudbad ka jeediyay golaha shacabka

Madaxweynaha wadanka Somaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay .
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku bilaabay in sannadkan uu dalka soomaaliya uu wajahy daruufo adag isagoona sheegay in hakad ay galeen waxyaabaha muhiimka ah oo dalka loo qaban lahaa.
Waxaa uu tani u aaneeyay xanuunka jira ee CoronaVirus.
Mudane Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in iyadoo ay jireen daruufo hadaana la ansixiyay sharciyo muhiim oo gaaraya ila iyo 12 isagoona taas ku amaanay baarlamaanka.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaaliya ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyiinka waxaa uuna sheegay in shirar badan oo ku aadan doorashooyiinka Somaalyia lagu heshiiyay doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in go’aankaste oo lagu gaaro Shirka Magaalada Dhuusamareeb oo dib ugu soo celin doonna xildhibaanada Golaha Shacabka.

Hogaamiye Farmaajo ayaa soo hadal qaaday warmurtiyeedkii shirkii Dhuusamareeb iyo waxyaabihii ay dhigayeen isagoona sheegay in wadahadalka uu sii xoojinayo wadajirkeena.
Waxaa uuna intaas ku daray in manata ay tahay maalinta loo balansan yahay shirka 3aad ee Dhuusamareeb .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here