DHAGEYSO:Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay sababihii keenay in uu ka tanaasulo qof iyo cod

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qarankeenna.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sababaha uu kaga tanaasulay doorashada qof iyo cod ah ay tahay markii maamulada badankood ay kasoo horjeesteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa ka dalbaday Baarlamaanka inay meel mariyaan go’aankooda ka soo baxay shirkii ay yeesheen madaxda Somalia.

Madaxweynaha Galmug ayaa madaxda wadanka Somalia iyo madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay uga shaqeeyeen in dalka uu aadayo doorasho la isla ogolyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here