DHAGEYSO:Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray baaq deg deg ah

Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.
Wasiirrada Xukuumadda ee Xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani, qorsheyaasha haatan socda, caqabadaha jira iyo xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanaddaas.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here