DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo beeniyay inuu ku guda jiro olole siyaasadeed

Ku xigeenka madaxweynaha dalka , William Ruto ayaa mar kale beeniyay in safarada uu ku tagayo qeybaha kala duwan ee dalka ay yihiin kuwo salka ku haya olole uu xilli hore u galay la wareegidda talada dalka.
Dr. Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in loo soo doortay inuu shacabka u adeego sidaasi awgeedna aynan jirin cid ka hor istaagi karto inuu tago deegaan ka mid ah wadanka.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu hadda diiradda saarayo fulinta mashaariicdii horumarineed ee maamulka talada haya ee Jubilee uu Kenyaanka u ballanqaaday.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday in la joogo xilligii dadweynaha loo adeegi lahaa sidaasi awgeedna uu gudanayo waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Xilii uu ku sugnaa ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta ayuu Ruto siyaasiyiinta socdaalkiisa dhaliilsan ugu baaqay inaynan ku mashquulin sida oo hadalka u dhigay oo ayna fursad u siiyaan wax u qabashada muwaadiniinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here