DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo beeniyay inuu u hanjabay barasaabka Machakos

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray hadal ka soo yeeray guddoomiyaha dowlad deegaanka Machakos Dr. Alfred Mutua oo ahaa in Ruto iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay isku xisbiga yihiin ay u hanjabeen.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka qeyb galay xaflad lagu qabanayay deegaan baarlamaaneedka Budalangi ee ismaamulka Busia.
Ruto ayaa si shactireysan u sheegay in haddii dadka qaar ay gacanta gelin lahayeen Mutua uu aadi lahaa maxkamadda Hague.

16-kii bishan ayay ahayd markii guddoomiyaha ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua uu sheegay in naftiisa ay halis ku jirto.
Waxaa uu xilligaas farriin ka qoray xafiiska qeybta waaxda dambi baarista ee DCI-da ee saldhigga booliska xaafadda Kilimani magaaladatani Nairobi. Mutua oo warbaahinta la hadlay kaddib markii uu farrinta gudbiyay ayaa sheegay inay hanjabaad uga timid ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna mudanaha deegaanka Garissa Towsnship Aadan Barre Ducaale iyo senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare Kipchumba Murkomen.
Barasaabka ayaa sheegaya in loo caga jugleeyay kaddib markii uu ka hadlay arrimo qaran oo sida uu hadalka u dhigay loo fasirtay inuu ku weerarayo William Ruto.
Alfred Mutua ayaa intaasi ku daray in sababta loogu hanjabay ay tahay inuu marar badan ka hadlay la dagaalanka musuqmaasuqa.
Waxaa uu wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo abaanduulaha booliska Mr. Hillary Muytambai ka codsaday inay amnigiisa sugaan.
Senetar Kipchumba murkomen iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Aadan Barre Ducaale ayaa labaduba horay isaga fogeeyay eedeymaha uu u soo jeediyay Alfred Mutua waxayna hadalkiisa ku tilmaameen mid uu ku doonayo inuu dareenka shacabka ku soo jiito si uu taageero siyaasadeed u helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here