DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo dhaliilay xisbiga ODM

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa xisbiga mucaaradka ee ODM ku dhaliilay inuu rabshad adeegsaday xilligii la qabanayay doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay khasab tahay in lala xisaabtamo shakhsiyaad uu sheegay inay cabsi geliyeen codbixiyayaasha.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in loolanka siyaasadeed la doonayo inuu noqdo mid cid kasta ay si xor ah uga qeyb qaadan karto

Siyaasiyiinta ODM ayaa dhankooda dalbanaya in tallaabo sharciyeed laga qaado dad ay ku eedeynayaan inay laaluush bixiyeen.
Doorashadii ku celiska ahayd ee Kibra waxaa ku guulaystay musharaxii xisbiga ODM Imran Okoth oo helay codad dhan 24,636 halka McDonald Mariga oo jubilee matalayay uu soo hooyay ugu yaraan 11 kun oo codad ah.
Intii ay socotay codeyntii deegaankaasi ka dhacday 7-dii bishan 11-aad ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay ilaa saddex qof oo lagu eedeyay laaluush bixin.
Waxaa sido kale ay warbaahinta dalka soo bandhigtay muuqaal laga dhex arkayo laba siyaasi oo ka kala tirsan xisbiyada ODM iyo Jubilee oo marka ay wada hadlaan kaddib midkood ay dhalinyaro weerarayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here