DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo dhalinyarada ugu baaqay inay isku tashtaan

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Changamwe ee ismaamulka Mombasa, gobolka xeebta waxa uu farriin gaar ah u diray dhalinyarada Kenyaanka.
Waxaa uu ku booriyay inay go’aamo adag qaataan oo ay lahadaan wax soo saar ay ugu faaiidayn karaan naftooda iyo qoysaskooda.
William Ruto ayaa da’ayarta u sheegay in la joogo xilligii ay diiradda saari lahayeen qaabka ugu wanaagsan oo ay noloshooda wax uga beddeli karaan .
Waxaa uu la wadaagay noloshii uu isaga soo maray iyo dadaalkuu uu ku bixiyay inuu horumar shakhsiyeed gaaro.
Sido kale ku xigeenka hoggaamiyaha dalka ayaa dhalinyarada ku booriyay inay ka faaiidaystaan fursadaha jiro oo ayna ku biiraan machadyada farsamada ee deegaankooda maadaama dowladdu ay diyaar u tahay inay garab ku siiso waxbarashada.

 

Dhanka kale waxaa Ruto ku taliyay in laga gudbo siyaasadda ku saleysan qabyaaladda iyo kala qeybinta oo xoogga la saaro mideynta shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here